TALIYAHA GUUD EE CIIDANKA ILAALADA XEEBAHA JSL OO LA KULMAY MADAXDA UGU SARAYSA HA’YADA EUCAP

Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha jsl Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa la kulamay madaxda ugu saraysa ha’yada EUCAP oo Somaliland socdaal ku yimi Taliyaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay waftiga ka socda ha’yada Caalamiga ah ee EUCAP oo si dhow ula shaqaysa Ciidanka Ilaalada Xeebaha

Waftiga waxaa hogaaminayey KESTUTIS Madaxda guud hawgalka haayadaasi iyo sidoo kale Dania Cossa Madaxa Hawlgalka ee haayada EUCAP iyo Madaxda hawlgalka ee Hargaysa Mr POUL, iyo lataliye sare oo ka socday badaha iyo xeebaha ee hayadaasi .

Taliyaha iyo waftiga ka socday ha’yada Eucap ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo wadashaynta ciidanka ilaalada xeebaha iyo Eucap ee dhinaca xasiloonida badaha iyo ka-hortaga waxa kasta oo dhibaato ku keeni kara dhinaca amniga iyo xasiloonida badaha Somaliland iyo kuwa geeskaba sida kaluumaystada sharcidarada ah , budhcad-badeeda , ,hubka iyo ururada xag-jirka ah waxaa uu sidoo kale ay ka wada-hadleen taliyaha guud ee CIX Jsl iyo madaxda ha’yada Eucap wadashaqaynta iyo ilaalinta xidhiidhka labada dhinaca iyo kor-uqaadista tababarada iyo tageerada ciidanka ilaalada xeebaha JSL ee dhinacayada xirfadaha badaha, tababarada iyo dhismaha goobaha isgaadhsiinta iyo qalabka igaadhsiinta ee CIX Jsl ee dhinaca isgaadhsiinta

 

Madaxda ka socotay haayada Eucap ayaa soo dhaweeyey kulanka ay la qaateen taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha JSL Adiral Axmed Hure Haariye iyadoo sidoo kalena booqan doona xarunta isgaadhsiinta ugu wayn bariga iyo badhtamaha afrika ee haayadaasi ka hirglisay Saldhiga 1-AAD ee CIX jsl ee Berbera oo ka caawisay ciidanka Haayada EUCAP taasi oo kormeer ku tagi-doonaan qaybaha iyo qalabka xaruntaasi oo dhawaan xadhiga laga jari-doona .