Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Tayaynta Shaqaalaha oo

Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Tayaynta Shaqaalaha oo ay Bixinaysay Xarunta Central for Natural Resource & Enviromental Reseach islamarkaana loo qabtay shaqaalaha wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha kaas oo socday muddo 2 cisho ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Hotel Carro Edeg ee Magaaladda Hargeysa
Mustafe Maxamud Xasan oo ah Masuul ku hadlaayay Afka Xaruntii Aqoon Iswaydaarsigan Bixinaysay ee Central For Natural Resource & enviromental Research ayaa ugu horayn u mahadnaqay madaxda wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha oo uu sheegay inay ka go'antahay sidii ay u tayayn lahaayeen shaqaalahooda isagoo ku dheeraaday ahmiyadda tobobaradd noocani u leeyihiin shaqaalaha dawladda isagoo ugu dambayntiina la dardaarmay shaqaalihii tobobarkaasi usoo xidhmay