Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Tayaynta Shaqaalaha oo
Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Tayaynta Shaqaalaha oo ay Bixinaysay Xarunta Central for Natural Resource & Enviromental Reseach islamarkaana loo qabtay shaqaalaha wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha kaas oo socday muddo 2 cisho ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Hotel Carro Edeg ee Magaaladda HargeysaMustafe Maxamud Xasan oo ah Masuul ku hadlaayay Afka Xaruntii Aqoon Iswaydaarsigan Bixinaysay ee Central For Natural Resource & enviromental Research ayaa ugu horayn u mahadnaqay madaxda wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha oo uu sheegay inay ka go'antahay sidii ay u tayayn lahaayeen shaqaalahooda isagoo ku dheeraaday ahmiyadda tobobaradd noocani u leeyihiin shaqaalaha dawladda isagoo ugu dambayntiina la dardaarmay shaqaalihii tobobarkaasi usoo xidhmay